Muxuu Farmaajo u burburiyay maamulkii gobolka Gedo?

Xiisadda amni iyo mid siyaasadeed ayuu Farmaajo ka abuuray gobolka Gedo, taasoo ka dhalatay cawaaqib xun oo shacabka ka dhaxleen, waxaana saameyn ku yeelatay hanaanka Federaalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Farmaajo u burburiyay maamulkii gobolka Gedo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa burburiyay Maamulkii ka dhisnaa gobolka Gedo, ee hoos-tagi jiray Jubbaland kadib markii uu geeyay Ciidamo diyaarado looga soo daabulay magaaladda Muqdisho.

Illo-wareedyo ayaa u sheegay Keydmedia Online in Farmaajo uu bedelay maamulkii 6 kamid ah 7-da degmo ee gobolka Gedo uu ka kooban yahay mudo hal sano gudihiisa, isagoo u adeegsaday Ciidanka iyo hantida qaranka.

Xiisadda amni iyo mid siyaasadeed ayuu Farmaajo ka abuuray gobolka Gedo oo beeshiisa ay degto, waxaana faragelintiisa ka dhalatay cawaaqib xun oo shacabka ka dhaxleen, waxaana saameyn ku yeelatay hanaanka Federaalka Soomaaliya.

Xogta KON ay heshay ayaa sheegaysa in ujeedka Farmaajo uu yahay inuu gobolka ka jaro Maamulka hadda ka taliya Jubbaland, ee majaraha u hayo Axmed Madoobe oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya Villa Soomaaliya.

Maamul cusub oo Farmaajo la shaqeeya ayaa laga dhisay Gedo, kaasoo ay ilaalinayaan Ciidan uu Turkiga uu ku tababaray magaaladda Muqdisho oo lagu magacaabo "Haramcad", iyadoo uu meesha ka baxay Maamulkii Axmed Madoobe soo magacaabay.

Dhowr jeer ayay Ciidanka DF iyo kuwa Jubbaland ku dagaalamay magaaladda Beled-Xaawo, waxaana markii uu dagaalkaas dhamaaday la wareegay xukunka askarta uu Farmaajo kasoo diray Muqdisho, kuwaasoo qaab qabiil u abaabulan.

Axmed Madoobe oo hadda ku sugan ayaa hordhigay Farmaajo xalay dalab ku aadan in dowladda ay Ciidanka kasoo qaado Gedo, islamarkaana dib loogu soo celiyay Maamulkii isaga dhisay, maadaama dalka uu Federaal yahay.

Dalabka Axmed Madoobe ayaa caqabad ku noqday Shirkii xalay lagu waday inuu Villa Soomaaliya ka furmo kaasoo arrimaha doorashadda dalka looga hadli lahaa, waxaana muuqata inuusan Farmaajo diyaar u ahayn Gedo inuu Ciidanka kala soo baxo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.