Puntland oo qaadacday dhismaha Gollaha Adeegga Garsoorka dalka

Hadalka Siciid Deni ayaa ku soo aadayo xilli dhawaan Gollaha Wasiirada Xukuumaddii la riday ansixiyeen xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka. 

Warar Keydmedia Online
Puntland oo qaadacday dhismaha Gollaha Adeegga Garsoorka dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay xafladda sanad guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay aas aaska Puntland oo xalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas.

Saciid Deni ayaa sheegay in ay sharci darro tahay ansixintii ay Golaha Wasiirada sii hayaasha ah ku sameeyeen shanta xubnood oo loo dhisayo GolLaha Adeegga Garsoorka dalka, isagoona ku tilmaamay mid dastuurka baal marsan.

“Waxaan u baanhanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah, kuwa horaa u sheegay ma rabo inaa ku noqdo kuwa hada cusub waxaa ka mid ah, xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday waxay saxiixeen golaha adeegga garsoorka oo ah qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya, hey’ada 3aad aas aaska u ah sharciga oo uu ka dhalan doono maxkamadda dastuuriga ah, sida sharci darada loo maray iyagoo awood laheyn inay ansixiyaan”ayuu yiri.

Dhinaca kale, Siciid Deni ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu ka digtoonaado muddo kororsi, isagoona sheegay in dalku hada soo kabanaya, isla markaana la kala irdhoobin.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha cusub ee la soo magacaabi doono looga baahanyahay in uu dalka doorasho geliyo muddo xileedka yar ee dowladda ka harsan, kana fogaado arrimaha sababi karo jahwareer siyaasadeed uu dalku galo.

Deni ayaa sheegay in wejigii labaad ee shirkii Dhuusamareeb uu ahaa mid qurux badan, haseyeeshee Madaxweynaha Farmaajo uu ku dheelay, kadib markii uu kala diray Xukuumaddii Kheyre, isagoona ku baaqay in wanaaga shirka saddexaad laga shaqeeyo. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.