Qaab-dhismeedka iyo Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Doorashada

Madaxdu waxay isla qaateen in la diyaariyo lana bilaabo ka shaqeynta hannaanka doorshooyinka toos ka ah ee hal qof iyo hal cod (1Q1C) ee 2024/2025.

Warar Keydmedia Online
Qaab-dhismeedka iyo Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda DF iyo Maamul Goboleedyada ayaa go’aamiyay in Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal 2020/21 uu ka koobnaado 25 xubnood, oo 13 ka mid ah ay soo magacaabeyso DF, halka 12 xubnoodna soo magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF.

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021

1.Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 35 sano xiliga la magacaabayo.

2.Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, kuna leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda.

3.Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.

4.Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay.

5.Waa in uusan xil-siyaasadeed ka hayn dalka.

6.Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta uu leeyahay.

7.Waa inuu fahmi karo hagayaasha nidaamka doorashooyinka ee 2020/21.

8.Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.

Qaab-dhismeedka Guddiga:

1.Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021, waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhex-dooranayaan Guddomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad ah (50%+1) ee xubnaha guud ee guddiga.

2.Shirarka Guddigu waxay ku qabsoomayaan saddex meelood labo meel ee tirade guud ee Guddiga.

3.Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Xilalka iyo Waajibaadka Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021

4.Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021.

5.Guddigu wuxuu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka Doorashada dalku u dhacayso.

6.Guddigu wuxuu dajinayaa miisaaniyadda doorashada wuxuuna u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.

7.Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannanka doorashada ee 2020/2021. Sidaa daraaded, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016ka.

8.Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha xubnaha ka ah DF.

9.Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.

10.Guddigu waxay shaqaaleysiinayaan howlwadeenada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga.

11.Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada.

12.Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaa waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada.

13.Guddigu wuxuu kormeerayaa, tababarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannanka doorashada ee la isku raacay.

14.Guddigu wuxuu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct).

15.Guddigu waxa uu dhiiri-gelinayaa haweenka in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka.

16.Guddigu waxa uu ogolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba.

17.Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.

18.Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dhammaan natiijooyinka doorashada ee Labada Aqal oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinimada baarlamaanka Federalka.

19.Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira.

20.Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada.

21Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal. Lifaaqyada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.