Qaladaadka ka jira shirarka uu Farmaajo kawado Dhuusamareeb

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa isku mari la' ajandooyinka Shirka ay yeelan doonaan, waxayna qarka u saaran yihiin inay ku kala tagaan Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Qaladaadka ka jira shirarka uu Farmaajo kawado Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay qaladaadka ka jira kulamada gaar-gaarka ah, ee uu Farmaajo Dhuusamareeb kula yeelanayo Madaxda Maamul Goboleedyada kahor shir weynaha furmaya.

HOOS KA AKHRI QORAALKIISA UU FACEBOOK SOO DHIGAY MAANTA:

Waxaa fiicnaan lahayd in Hoggaamiyayaasha ku wadahadlaya Dhuusa Marreeb ay talo kala dhaxeyso wufuudda faraha badan ee la socota ee qaar khubarada yahay.

Runtii maskax, aqoon iyo waayo aragnimo ayaa ku kulantay marka la isu geeyo wufuudda la socota Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Waxaa ila habboonayd in Hoggaamiyayaashu ay ahadaan meesha loola noqdo talada, haddii ay ergooyionkoodu is fahmi waayaan.

Waxaa ila habbooneyd in Hoggaamiyayaashu ay ahaadaan kuwa ay taladu ka go’do ee aanay noqon kuwa ay ka billaabato kuna dhammaato. Dhaqankaas oo caan ahaa sagaashameeyadii waxaan moodayay in ay siyaasadda Soomaalidu ka kortay.

Waxaa ila qummaneyd in Mas'uul kasta ay wadahadalka ku wehliyaan Wasiir ama laba ka mid ah wafdigiisa. Toddobo Hoggaamiye oo qol isku xirtay oo saacado fadhiyay laga qurxoon in ay taladu ku koobnaato.

Wadahadalku wuxuu hadda ka billowday Hoggaamiyayaasha. Sida muuqatana iyaga uun ayuu ku kooban yahay, kuna dhammaan doonaa.

Xilliga ay shirka ka maqan yihiin ma muuqdaan shirar kale oo ay joogto ula gelayaan wufuuddooda. Waayo waa nafleey oo waa seexdaan. Fursadda keliya oo la hasytaa waa in ay ayagu toos isu fahmaan. Waana suurta gal.

Haddii ay is fahmi waayaan, ma jirto cid kale oo ay ula noqdaan maaddaama ay ka tallaabeen Wasiirrada, Xildhibaannada iyo la taliyayaasha aan lala tashan ee la faraha badan ee la socda. Madax meel ka sarreysa oo la salaaxaa ma jirto.

Marka haddiiba ay arki karaan Hoggaamiyayaashooda, waxay ila tahay kaalinta wufuuddu in ay noqon karto mid muhiim ah.

Waa cadaadis ay Madaxdooda ku saaraan in aan dib loo dhigin wixii iyaga ku xiran ee hadda iyo halkaan go’aan looga gaari karo.

Caqligu ma ahan ciddiyo oo isaga oo cusub ma soo dhalanayo usbuucyo gudahood.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.