Qoor-Qoor dhex dhexaad ma ka noqday shirka Dhuusamareeb?

Madaxweyne Qoorqoor ayaa wajahaya eedeyn ah in aanu dhex dhexaad ka aheyn shirka Dhuusamareeb maadaama ay ka maqanyihiin Puntland iyo Jubbaland. 

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor dhex dhexaad ma ka noqday shirka Dhuusamareeb?

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Dhuusamreeb ee caasimada Galmudug waxaa shalay ka furmay shirka wejiga koowaad ee Dhuusamareeb 3 ee u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, balse ay ka maqanyihiin Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug ayaa si rasmi ah habeen hore ugu dhawaaqay in shirka furanyahay, isagoona madaxda Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan.

Dadka siyaaaadda odorasa ayaa sheegay in Qoor-qoor oo ah madaxweynaha deegaankiisa gogosha taallo uu la saftay hal dhinac, isagoona ku dhawaaqay shir aan loo dhameyn, baaqa uu dirayna aanu macna badan laheyn, maadaama go'aan aan loo dhameyn la gaaray.

Qoor-Qoor ayaa lagu eedeynayaa in uusan wax talaab ah qaadin ka kadib shirkii Dhuusamareeb 2, isagoona Muqdisho u soo safray kadibna olole u galay xilka xukuumaddii sifada sharci darra-da ah lagu riday taasoo shaki weyn sii gelisay galan-galkii ama doorkii uu ku lahaa ridista xukuumaddii Kheyre.

Qoor-qoor ayaa markii uu dhawaan Xamar imaaday la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo safiirka Qatar u fadhiyo Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in taasi ay dhinac u buurtay hal ku dhiga siyaasaddiisa aheyd "waayo arag isku wadi Kato."

Madaxtooyada Soomaaliya oo dagaal kula jirto madaxda maamulada qaar ayaa la sheegayaa in ay arintaan daaha gadaashiisa ka hageyso, iyadoona ku cadaadineyso madaxweyne Qoor-qoor in shirka Dhuusamareeb dhaqso la soo gabagabeeyo, war-saxaafadeedna laga soo saaro.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa haatan wajahaya dhaleeceyn kaga imaaneyso dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo rajo ka muujinayay shirka Dhuusamareeb 3, balse haatan mowjado kale dhalan rogeen.

KEYDMEDIA ONLINE



    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.