Qoor Qoor oo dalka ka dhoofay iyo cabsi laga qabo inuu baaqdo Shirka Dhuusamareeb

Shirka Dhuusamareeb ee la filayo inuu furmo 15-ka August ayaa waxuu dhexmari doonaa Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo go’aan ka gaari doona ama isku khilaafi doono nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo dalka ka dhoofay iyo cabsi laga qabo inuu baaqdo Shirka Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Qoor-Qoor oo Saxaafadda kula hadlay qeybta VIP-da Garoonka Muqdisho shalay kahor inta uusan u ambabaxin Turkiga ayaa sheegay inuu rajo ka qabo inuusan dib u dhicin Shirka Dhuusamareeb ee la qorsheeyay inuu furmo 15-ka bishan.

Qoor Qoor ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamullada inay si mugleh uga soo qeyb-galaan shirka, oo go'aan looga gaari doono nooca doorasho ee ka dhici doonto Soomaaliya, iyadoo uu hadda jiro khilaaf ka dhashay xilka-qaadistii Kheyre, oo loo arkay inuu qeyb ka yahay qorshaha Farmaajo ee mudo-korarsiga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa safarkii ugu horeeyay oo dibadda dalka ah ku aaday Turkiga, iyadoo aan la ogeyn ujeedka socdaalkiisa oo kusoo beegmaya xili 9 maalmood kahortay waqtiga Shirka Dhuusamareeb.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Shirka lagu casuumayo mucaaradka Farmaajo, si uu u noqdo mid go'aanadiisa loo dhan yahay, maadaama laga tashanayo masiirka dalka iyo doorashooyinka, oo loo arko inay tahay mas'uuliyad wadareed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.