KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
"Anigoo fahamsan in dalku uu ku jiro marxalad kala guur ah, hadana mudada aan xilka hayo waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeegayaa si daacad ah," ayuu yiri RW Rooble.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee habeen hore Farmaajo u magacaabey xilka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magacaabistiisa oo kusoo beegantay xili waqtiga dowladda ka hartay 4 bilood.
Rooble ayaa ka mahadceliyay xilka uu u magacaabey isagoo yiri: "Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Farmaajo magacaabista uu ii magacabay xilka Ra'iisul wasaraha ama wasiirka koowad ee dalka".
Wuxuu balan-qaadey Rooble in shacabka uu si daacadnimo ku jirto ugu adeegi doono mudada kooban ee uu xilak hayo, oo uu sheegay inuu fahansan yahay inuu wadanka ku jiro marxalad kala-guur ah, oo u baahan dedaallo dheeraad ah inuu la yimaado.
"Anigoo fahamsan in dalku uu ku jiro marxalad kala guur ah, hadana mudada aan xilka hayo waxan shacabka Soomaaliyeed ugu adegayaa si daacad ah," sidaasi ayuu ku yiri RW qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Rooble iyo xukuumadda u usoo dhisi doono ayaa hortagi doono Baarlamaanka, si ay codka kalsoonida u helaan, waxaana kadib u billaaban doono howl culus, oo waqti aad u yar lagu qabanayo, taasoo ah inuu doorasho ku qabto 3 bilood.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Rooble laga doonayo inuu xoogga saaro Hal arrin oo ah in dalkan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku qabsoonta. [Halkan ka akhri Warbixinta Xil culus iyo shaqo aan badneyn].
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.