KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gollaha Wasiiradda cusub ayaa haysta mudo-xileed 3 bilood ah, oo looga fadhiyo inay doorashooyin ku qabteen December 2020.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta oo Sabti ah Gollaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya la horgeynayaa Xukuumadda cusub ee Ra'iisul Wasaare Rooble, taasoo la filayo inay si dhib yar ay ku hesho codka kalsoonidda.
Fariimo Taleefonka loogu diray Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inuu jiro Maanta kulan ajandihiisu yahay cod u qaadista kalsooni-siinta Gollaha Wasiiradda ee magacaaban iyo barnaamijka Xukuumadda.
Farmaajo ayaa la sheegay inuu bixiyay lacag aad u badan, oo laaluush ah taasoo uu Xildhibaanada uga iibsadey codkooda, si aysan usoo celin Xukuumadda Rooble, maadaama Wasiiradda ay yihiin kuwa ka shaqeyn doono ololaha dib u doorashadiisa.
Waa fursad qaali ah marka Xukuumad la ridayo ama la siinayo Kalsoonida, maadaama Xildhibaanada ay helaan lacag iyo balan-qaadyo kale oo u sameynayo Madaxweynaha, waxaana meesha ka baxday damiirkii wadaniyadda iyo dhaartii inay dalka iyo dadka ugu shaqeynayaan si hufan.
Doorashadda soo socota waxay ka adkaan doontaa midii hore, marka la eego musharaxiinta ololaha ku jira iyo dhaqaalaha dalaka Khaliijka ku bixinayaan, gaar ahaan Imaaraadka iyo Qatar oo ku tartamaya cida ku gacan sareyn lahayd Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.