Shacab iyo Shabaab oo ku dagaalamay Mudug

Labada dhinac ayaa dhex maray dagaal kooban, laakiin hadda waxay isku abaabulayaan degaanka gudihiisa iyo dibadda, sida ay sheegayaan dadka degaanka. 

Warar Keydmedia Online
Shacab iyo Shabaab oo ku dagaalamay Mudug

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Malleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka shacab ah oo hubka qaatay ayaa markale ku dagaalamay tuulada Shabeellow oo u dhow magaalada Bacadweyne, oo ku taalla Gobolka Mudug.

Labada dhinac ayaa dhex maray dagaal kooban, laakiin hadda waxay isku abaabulayaan degaanka gudihiisa iyo dibadda, sida ay sheegayaan wararka ay Keydmedia Online ka helayso dadka degaanka. 

Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxeen tuulada oo ay hada ku sugan yihiin banaanka, iyadoo laga cabsi qabo in ay weeraraan shacabka waqti kasta, maadaama dagaalladii hore khasaaro lagu gaarsiiyay.

Deegaanka ayaa dhawaanahan waxaa ka socday dagaal culus oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab, kahor inta aysan Ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ku biirin dagaalka dhinaca dadka tuulada kula jiraan Kooxda argagaxisadda.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Bacadweyne ayaa sheegaya in xaalada Shabeellow ay tahay mid aad u kacsan. Wixii kusoo kordha warkan dib ayaan adin kala socod siin doonaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.