Shaqo uu qaban waayay Farmaajo oo DG qabtey

Khilaafka ayaa ahaa mid gaamuray, oo uu Madaxweynaha xal u waayay, isagoo xitaa lagu eedeeyay inuu ka arkay dantiisa inaysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin labada aqalka ee BF.

Warar Keydmedia Online
Shaqo uu qaban waayay Farmaajo oo DG qabtey

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda ayaa shaacisay sawir ay si wadajir ah usoo galeen Farmaajo, gudoonka labada aqalka ee Baarlamaanka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, kaasoo lagu muujinayay in heshiis laga gaarey khilaaf uu horey u xalin waayay Farmaajo.

Baarlamaanka oo ah hay'addii sharci-dejinta dalka, ayaa kala qeybsanaan mudo ka badan hal sano, waxayna taasi ka dhalatay khilaaf siyaasadeed soo kala dhex-galay gudoonada Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Mursal iyo Cabdi Xaashi.

Waxyaabaha la isku hayay ayaa ah arrimo la xiriira dastuurka iyo shaqada gollayaasha Baarlamaanka, oo sida uu dastuurka dhigayo loo qaban waayay, tusaale ahaan hadii uu hindise sharciyeed soo meel-mariyo Gollaha Shacabka, in loo gudbiyo Aqalka Sare kahor inta uusan Madaxweynaha saxiixin.

Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa eeda ugu wayn dusha laga saarey, kadib markii uu hareer mariyay Aqalka Sare dhowr sharci iyo Miisaaniyad sanadeedka dowladda, taasoo Farmaajo isha ka eegayay, isagoo ka arkay dan siyaasadeed inay kala jabeen labada golle.

Heshiiska hadda la shaaciyay waa mid dani ugu jirto Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada, maadaama ay doonayaan in Baaralmaanka oo wadajira inuu ansixiyo Heshiiskii doorashadda ay ku gaareen Villa Soomaaliya 17-kii bishan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.