Shariif Xasan: “Doorasho hal wareeg ah waan diidnay”

"Saaxiibkey [Farmaajo] aniga waxaan aaminsanahay in doorashadda lala galo marabo, isagoo jaakad toshay, jaakadana isagay kaligiisa u gashaa, qof kale in loo geliyo ma rabo," ayuu yiri Shariif Xasan.

Warar Keydmedia Online
Shariif Xasan: “Doorasho hal wareeg ah waan diidnay”

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuusan dooneynin in doorashadda ay la galaan Musharixiinta kale ee kula loolamaya Kursiga.

"Saaxiibkey [Farmaajo] aniga waxaan aaminsanahay in doorashadda lala galo marabo, isagoo jaakad toshay, jaakadana isagay kaligiisa u gashaa, qof kale in loo geliyo ma rabo," ayuu yiri Shariif Xasan.

Isagoo ka hadlay kulanka Musharixiinta ayuu Shariif Xasan ka sheegay in sooyaalka doorashooyinka Soomaaliya ay ahaayeen kuwa lagu kala baxo saddex wareeg, isagoo hoosta ka xariiqay in nidaamkaas uusan hadda doonaynin Farmaajo.

"Waxaan usoo joognay illaa Shirkii Carta doorashooyin lagu kala adkaado saddex wareeg, waayadaan waxaa la keenay doorasho hal wareeg ku dhamaata, waana diidanahay, ma rabno," ayuu Shariif Xasan.

Wuxuu xusay inaysan soconaynin "anigaa sidaan rabo u maamulaa doorashadda", taasina aysan ahayn dimuqraadiyad, balse u muuqato inuu yahay xukun kaligiis talisnimo ah, kaasoo dalka kasoo daalay 21-kii sano ee Siyaad Barre.

”Ra'iisul Wasaare ku xigeenka wuxuu yiri Baydhabo hal wareeg ayaan ku qaadnay Baydhabo sidey aheyd waa la ogaa dad ayaa la xirxiray waayahan waxaa la keenay doorashada inay hal wareeg ku dhamato anaga midaas wan diidanahay xalna kuma imaanaayo," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Shirka Musharixiinta uga socday afarta maalmood Jazeera hotel ayaa la filayaa in saacadaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo, islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed ku qoran go'aannada la gaarey.

Dowladda Farmaajo ninka ka ah Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka ee lagu magacaabo Mahdi Maxamed Guuleed, kana soo jeeda Somaliland ayaa meel fagaare ah ka sheegay dhawaan in doorashadda soo socota ay ku adkaan doonaan wareegga kowaad, isagoo ku faanay musuq-maasuqii lagu sameeyay doorashooyinkii Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.