Sheekh Shariif iyo Khayre oo ku kulmay Nairobi

Sheekh Shariif ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay ku maqnaa dalka Imaaraadka, isagoo halkaasi u tagey arrimo la xiriira dhaqaale u raadinta ololahiisa doorashadda 2020-2021.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif iyo Khayre oo ku kulmay Nairobi

NAIROBI, Kenya - Nairobi ayaa noqotay halka laga hago siyaasadda Soomaaliya, iyadoo ay saldhig ka dhigteen Musharaxiin badan oo halkaasi kawada olole doorasho, xulufo raadin iyo kulamo ay la qaadanayaan diblomaasiyiinta beesha caalamka.

Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif, waxaana kulan u ahaa mid labada mas'uul ay ku gorfeeyeen arrimaha doorashooyinka iyo sidii u dhex-mari lahaa iskaashi, maadaama ay la tartamayaan Farmaajo, oo dhaqaalaha dawladda ku galaya doorashadda.

Midna kama uusan hadlin waxa kulanka Nairobi uu ku saabsanaa, balse ilo ku dhaw ayaa Keydmedia Online u sheegay in Khayre uu raadinayo xulufo siyaasadeed iyo saaxiib garab istaagga, maadaama mudadii uu Ra'iisul Wasaaraha ahaa sameystay cadow badan.

Kenya maadaama uu khilaaf kala dhaxeeya Maamulka Farmaajo, waxay dalkeeda u furtay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, oo Muqdisho aan suurtagal ahayn xiligan inay ku qabtaan kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah dawladda waqtiga kasii dhamaanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.