Shiinaha oo cadaadis ku saaraya Somaliland inay joojiso xiriirka Taiwan

Safarka Jian ayaa yimid kadib markii ay Somaliland dhowaan oggolaatay inay Taiwan xafiis diblomaasiyasadeed ka furato Hargeysa kadib markii labada dhinac ay heshiis kala saxiixdeen.

Warar Keydmedia Online
Shiinaha oo cadaadis ku saaraya Somaliland inay joojiso xiriirka Taiwan

HARGEYSA, Soomaaliya - Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, ayaa gaarey Caasimada maamulka Somaliland ee Hargeysa si uu ula kulmo madaxweyne Muuse Biixi iyo Madax kale.

Safarka Jian ayaa yimid kadib markii ay Somaliland oggolaatay inay Taiwan xafiis diblomaasiyasadeed ka furato Hargeysa kadib markii labada dhinac ay heshiis kala saxiixdeen. Beijing ay u aragto Taiwan inay qayb ka tahay Shiinaha.

Shiinaha waxuu si xoogan u diidey xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dhinac, waxuuna ku adkeysanayaa in Taiwan aysan geli karin heshiis diblomaasiyadeed.

Sida laga soo xigtay ilo dibloomaasiyadeed, dowladda Shiinaha waxay ku cadaadineysay Somaliland inay ka laabato xiriirka Taiwan, mana la oga inay arintaas aqbali doonaan Madaxda Maamulkan mudada dheer ictiraafka raadinayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.