Shirka Muqdisho: Farmaajo oo diidan Qodobo la hordhigay

Madaxweynaha ayaa la yimid ajande ah in Shirka uu noqdo mid lagu dhameystirayo heshiiskii hore, balse aan waxba laga bedelin, isagoo ka codsaday Jubbaland iyo Puntland inay taageeraan qorshihiisa.

Warar Keydmedia Online
Shirka Muqdisho: Farmaajo oo diidan Qodobo la hordhigay

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-mariwaa ayaa ka taagan Shirka Maalintii labaad uga socda Villa Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, oo wehliya duqa Muqdisho Cumar Filish.

Warar hoose oo Keydmedia Online ka helayso Shirka ayaa sheegaya in Farmaajo uu diidan yahay soo-jeedinta madaxda uu la shirayo, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Deni oo doonaya in meesha laga saaro qodobadii Dhuusamareeb-3, islamarkaana hadda heshiis cusub la gaaro.

Madaxweynaha ayaa la yimid ajande ah in Shirka uu noqdo mid lagu dhameystirayo heshiiskii hore, balse aan waxba laga bedelin, isagoo ka codsaday Jubbaland iyo Puntland inay taageeraan qorshihiisa.

Qodobada wali la isku mari la’yahay waxaa kamid ah:

  1. In mudo-korarsi aysan dhicin, badalkeedana ay waajib tahay in Doorasho la qabto.
  2. In Gudiyo Doorasho laga qabto Dowladaha Xubnaha ka ah DFS,isla markaana Guddiga Doorashada ee hadda jira ay 1-xubin oo kor  joogta ah ku yeesho.
  3. In Doorashadu ka dhacdo Caasimadaha Dowladaha xubnaha ka ah DFS.
  4. In Xisbiyada iyo kuraasta loo bixiyay is xanbaarka aysan xiligan suuragal ahayn in doorasho lagu galo.

Waqtigii lagu diyaarin lahaa doorashadda ayaa ku lumay wadahadallo iyo shirar aan natiijo lahayn, oo illaa hadda socda, waxaana muuqata inaysan doorasho dalka ka dhici doonin xiligeeda, oo ka dhiman bil.

Puntland iyo Jubbaland ayaa isku bahaystay inaysan qaadan heshiis kasta oo aan danahooda gaar ah ka dhex arkaynin, iyadoo Farmaajo qancintooda waqti ka qaadatay illaa Mareykanka uu soo farageliyo.

Si kastaba, waxaa laga warsgugayaa natiijadda Shirka Villa Soomaaliya ka socda, oo rajadiisa aad u xun tahay, sababtoo ah waxaa jira shuruudo adag oo miiska saaran, kuwaasoo aan ka tarjumeynin rabitaanka shaqsi ee Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.