Shirkii Dhuusamareeb oo lasoo gaba-gabeeyay

Hannaanka loo maray heshiiska doorashooyinka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid aan ka tarjumeynin caqabadaha ka jira wadanka, duruufaha amni iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Shirkii Dhuusamareeb oo lasoo gaba-gabeeyay

DHUUSAMAREEB - Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray maanta Shirkii Dhuusamareeb uga socday Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir mudo ko dhaw todobaad, kaasoo xalay laga soo saarey heshiis ku saabsan Hannaanka Doorashada kaasoo aan u dhameyn saamileyda siyaasadda dalka.

“Maadaama Doorashadu ay tahay mid heer Federaal ah heshiiska aan halkan ku gaarnay waa mid aan u qaadnay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, annagoo ugu baaqayna walaalaha ka maqnaa Shirka in ay ku soo biiraan dhammeystirka wixii shaqo ah oo inoo dhiman," ayuu yiri Farmaajo.

Hannaanka loo maray heshiiska doorashooyinka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid aan ka tarjumeynin caqabadaha ka jira wadanka, duruufaha amni iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu soo xiray Shirka islamarkiiba dib ugu laabtey Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.