Taliyaha AFRICOM oo fariin u gudbiyay Axmed Madoobe

Trump ayaa Ciidanka Mareykanka ka saarey Soomaaliya bishii January kahor inta uusan ka tagin Aqalka Cad.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha AFRICOM oo fariin u gudbiyay Axmed Madoobe

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalla Afrika Jen Stephen Townsend, ayaa Maanta booqasho kedis ah ku tagey Kismaayo, halkaasoo uu kula kulmay Axmed Madoobe.

Taliyaha AFRICOM ayaa Axmed Madoobe u gudbiyay fariin uga timid Wasaaradda difaaca Mareykanka oo ku aadan in Washington ay dooneyso inay dib u billowdo howlgalladii duqeymaha, ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasoo hakad ku jiray mudo 4 bilood ah.

Dhanka Jubbaland, waxay soo saartey qoraal ay ku sheegtay in Stephen Townsend iyo Axmed Madoobe ay kawada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaalanka Al-Shabaab iyo wiiqidda khatarta Kooxda.

Mareykanka wuxuu kala baxay Soomaaliya bishii January boqolaal askari, laakiin wali waxaa ka jooga tiro aan badnayn, oo ku sugan duleedka waqooyi ee Kismaayo iyo degaanka Beled-doogle oo Shabeellaha hoose katirsan.

Laakiin, waxaan jirin wax howlgallo ah oo askartan ay fulinayaan, maadaama awoodooda la xadiday, waxaana hadda muuqata inuu Mareykanka arkay in joojinta duqeymaha ay fursad siisay Al-Shabaab, oo kordhisay weerarada mudooyinkii dambe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.