KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Booliska Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la wareego mas'uuliyadda amniga goobaha doorashooyinka sanadkan soo socda, sidaas darteed wuxuu billaabay qiimeyn gobollada lagu sameynayo.
BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Baydhabo, ee xarunta KMG Koonfur Galbeed gaarey wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), iyagoo halkaasi u tagay qiimaynta amniga deegaanada Maamulkaas iyo baahiyaha Booliska.
Taliye Xijaar ayaa xusay in ay qorshaynayaan booqashada dhawr degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed, oo ugu kuurgali doonaan xaaladda nabad-geyladda iyo sidii loo sii adkeyn lahaa, maadaama Booliska lagu wareejin doono goobaha doorashooyinka sanadka soo socda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.