Taliye Bariise oo xilka laga qaaday

Taliyaha Ciidanka booliska ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay isbedello lagu sameeyay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan [Xijar] ayaa xilka ka qaaday taliyaha laanta ilaalinta Canshuuraha Cabdullaahi Xasan Bariise, oo mudo dheer xafiiska joogay.

Jeneraal Cabdirisaaq Afguduud, oo horey usoo noqday Taliyaha Booliska Puntland ayaa loo Magacaabay Taliyaha Qeybta Ilaalinta Canshuuraha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, isagoo bedelaya Jen Bariise.

Lama oga sababta Bariise loo eryay, balse tallaabadan waxay kusoo beegmaysaa maalmihii ugu dambeeyay Taliyaha Booliska uu waday isbedello lagu sameeyay taliska Booliska.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.