Villa Soomaaliya oo ka been sheegtay kulan dhex maray Farmaajo iyo Bulshada Rayidka

Arintaan ayaa ku soo aadeyso xilli dalku galay marxalad kala guur ah, iyo is xulufeysi taageero loogu raadinayo madaxweyne farmaajo oo diidan in uu kursiga ka dego February 8, 2021.

Warar Keydmedia Online
Villa Soomaaliya oo ka been sheegtay kulan dhex maray Farmaajo iyo Bulshada Rayidka

MUQDISHO, Soomaaliya – Bulshda Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo ku aadanaa kulamadii ay la qaateen madaxweyne Farmaajo.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayay Villa Soomaaliya ku sheegtay in Bulshada Rayidka taageereen in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah waxuu madaxweyne Farmaajo haatan ku doonayo muddo kororsi.

Hase yeeshee, waxaa arintaas ka biya diiday guddoomiyaha Ururka Bulshada rayidka Soomaaliyeed Tahliil Shaatax oo sheegay in  aysan taageerin nooc doorasho gooni ah, islamarkaana aanay jirin qorshe ay si gooni ah u taageerayaan, Villa Soomaaliyana ay ka been sheegtay waxyaabihii looga hadlay kulanka.

“Bulshada rayidku waxay cadaynayaan inaanay taageerin nooc doorasho gooni ah, islamarkaana aanay jirin qorshe ay si gooni ah u taageerayaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ururuka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Bulshada rayidku ay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya, ayna ka wada hadleen arimaha doorashooinka, iyagoona la wadaagay aragtidooda ku aadan nooc doorasho oo ku timaado wada ogol, wadanka laga ilaaliyo qalqal siyaasadeed.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya qoraalka ka soo baxay ayaa lagu yiri “Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.”

Arintaan ayaa u muuqata mid Madaxtooyada Soomaaliya ay ku marin habaabineyso Bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana weeceneyso qodobadii laga soo saaray kulanka, si muddo kororsiga madaxweyne loo xalaaleeyo.

Ugu dambeyntii, Ururuka Bulshada Rayidka ayaa nasiib daro ku tilmaamay warsaxafadeedka soo baxay Madaxtooyada oo lagu sheegay in Bulshada Rayidku rabto nooc gooni ah (hal qof iyo hal cod), sidoo kalena qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.