Wararkii ugu dambeeyay Shirka Muqdisho

Madaxda ayaa maanta ka jira nasasho, kadib markii xalay ay yeesheen kulan socday Maqribkii illaa saqdii dhexe, kaasoo heshiis hordhac ah looga gaarey qodobadii khilaafka ka taagnaa.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Shirka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Farmaajo uu kula leeyahay Madaxda Maamullada iyo duqa Muqdisho xarunta Madaxtooyadda ayaa galay heerkii ugu adkaa, iyadoo uu ku dhaw yahay gaba-gabo, oo la filayo in maalmaha soo aadan laga soo saaro war-murtiyeedka wadajir ah.

Illo ku dhaw kulanka, oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegaya in heshiis laga gaarey dhowr qodob oo ay kamid yihiin in maamul goboleed kasta labo magaalo oo katirsan lagu qabto doorashadda Xildibaanada, halka markii hore ahayd 4 goobood, waxaana sidoo kale la isku afgartay in nidaamka xisbiyadda meesha laga saaro.

Qodobada qaar ee doorashada ayaa khilaaf ka taagan yahay, sida in la sameeyo Guddi doorasho oo ah heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, in Ergooyinka aysan ka badan 101 illaa 150 ergo, halka uu heshiskii Dhuusamareeb ku qoran tahay 301 ergo.

Waxaa sidoo kale ismari-waa ka jiraa doorka Gudiga doorashooyinka qaranka ee Xaliima Yareey hogaamiso, kaasoo Madaxda Maamul Goboleedyada soo jeediyaan in kaligiisa aan loo deynin howlaha doorashooyinka, oo la sameeyay gudi isku dhaf ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka caga-jiidaya in doorka Xaliima Yareey ee doorashadda daaqada laga bixiyo, maadaama uu ku tashanayo inuu dib u doorashadiisa u isticmaalo gudiga ay hogaamiyo oo lagu dhaliilay inuu ku milmay Madaxtooyadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.