Warbixin

Waa kuma Musharaxa Mudullood ee xilka Ra’iisul Wasaaraha?

Kulanka waxaa ka qeybgalay hogaanka siyaasadeed iyo midka dhaqanka Mudullood, waxaana lagu go'aamiyay in Xildhibaan C/qaadir Cosoble uu noqdo Musharax ay la doonayaan inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma Musharaxa Mudullood ee xilka Ra’iisul Wasaaraha?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Beesha Mudullood isku raacday qofka ay doonayso inuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabo xilka banaan ee Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo tartankiisu uu ka socdo magaaladda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo marti-sharaf kale oo isagu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo odayaal dhaqan ayaa ku kulmay Dorpin hotel maanta, iyagoo gorfeyn iyo wada-tashi dheer kadib u caleema-saarat Xildhibaan C/qaadir Cosoble loo geeyo Madaxweynaha, si uu noqdo qofka Mudullood usoo sharaxatay xilka RW.

C/qaadir Cosoble,waxuu gudoomiye u yahay Xisbi siyaasadeed uu isaga aas-aastay, oo lagu magacaabo Ileys, wuxuuna kamid yahay Madasha Xisbiyada Qaran, oo kulmisay mucaaradka ugu weyn Maamaulka Madaxweyne Farmaajo, sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Waxaa ka socda Villa Soomaaliya kulamo xasaasi ah, iyadoo xafiiska Farmaajo uu ka jiro mashquul badan, oo kusii qul-qulayaan siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha Hawiye, oo wada raadinaya xilka Ra'iisul Wasaaraha, kadib markii sabtidii lasoo dhaafay uu BF kalsoonida kala noqday Kheyre.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], ayaa ku sugan Muqdisho tan iyo Isniintii lasoo dhafaay, isagoo kulamo la qaatey Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo ku qancinayo in qof kasoo jeeda degaanada Galmudug u xushaan xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Villa Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay wadadii loo maray ceyrintii Xasan Cali Kheyre, oo intii uu joogay xafiiska lagu amaanay wax-qabad iyo horumarinta kaabiyaasha dhaqaale ee Dawladda, laakiin xilkiisa waayay, kadib markii uu kahor yimid qorshaha Farmaajo ee mudo-korarsiga.

Madaxtooyadda waxaa saaran culeysyo kala duwan, oo uga imaanaya Beesha Caalamka, kuwaasoo ku riixi kara Farmaajo iyo Fahad Yaasiin inay ku fashilmaan damacood siyaasadeed, oo ugu horeyso arinta doorashadda oo saameynteeda leh waqtigan kala-guurka ah.

Saaxiibada Beesha Caalamka iyo Dawlad-Goboleedyada ayaa kasoo horjeystay mudo-korarsi iyo dib u dhac doorasho, taasoo ay ka digeen inay dalka u horseedi doonto dhibaatooyin siyaasadeed iyo inuu dib ugu laabto dagaal sokeeye.

Farmaajo oo ka duulaya meel-marinta siyaasadiisa ayaa dedaallo badan ku bixinaya sidii uu ku heli lahaa shaqsi isaga la afkaar ah, wuxuuna kala dooranayaa musharaxiin badan oo miiska u saaran, iyadoo xubnaha la hadal-hayo ay kamid yihiin Nuur Diiriye Xirsi Fuursade, Agaasimaha Villa Soomaaliya, oo degaan ahaan kasoo jeeda Galmudug, Dr Cismaan Faarax, oo aan siyaasadda lagu aqoon, oo gobolka Banaadir kasoo jeedo, Axmed C/salaan oo Galmudug kasoo jeeda, C/raxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha dawladii Xasan Sheekh, haatana ah Xildhibaan kasoo jeeda Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.