Wariyeyaal laga sii daayay Xabsiga Garowe

Labada Suxufi ayaa xarigooda loo sababeeyay inay tabiyeen warar la xiriira Kufsi oo degaanada Puntland ka dhacay, sida ay sheegeen laamaha amniga ee Maamulkaasi.

Warar Keydmedia Online
Wariyeyaal laga sii daayay Xabsiga Garowe

GAROWE, Soomaaliya - Qadar Cawil iyo C/qani Axmed, oo katirsan Idaacadda Daljir oo ka howlgasha degaanada Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah dib u helay xoriyadiida kadib 24 saac oo ay ku jireen Xabsiga Garowe.

Waxaa loo xiray inay Idaacadda kasii daayeen warbixin la xiriirta kufsi iyo dil gabar Soomaaliyeed loogu geystay Puntland dhexdeeda, waxaana shalay looga yeeray Maxkamadda Nugaal , kadibna xabsiga ayaa la dhigay.

Labada Suxufi ayaa hadda banaanka ku jooga damiil lagu soo daayay, iyadoo ay suurta-gal tahay markale in la xiro, maadaama kiiskooda aan Maxkamadda go'aan ka gaarin oo galka dacwadooda furan yahay.

Waxay wareysi la yeesheen waalidiinta iyo qaraabadda gabadha la kufsaday kadibna la dilay, taasoo kuwii falkaasi ku sameeyay aan la marsiin cadaaladda, oo Puntland kasoo daysay maalmo kahor Xabsiga. 

Wariyeyaasha madaxa-banaan iyo dadka laga tiradda badan yahay ayaa ku dulman Puntland, oo taliskeeda ku kolley-tamaan saddex jufo oo Majeerteen ah, waxaana Maamulka safka hore ka galay meelaha sida aadka loogu caburiyo warbaahinta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.