Wasiiradda cusub oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda cusub oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado kadib markii Baarlamaanka uu ansixiyay, Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Wasiiradda, oo aan ku cusbayn shaqadda, maadaama intooda badan ay yihiin kuwii hore, oo lasoo celiyay.

Wasiir ku -xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala ayaa ka warbixiyay kulanka, isagoo sheegay in looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka horyaalla Xukuumadda iyo inuu Rooble ku amray wasiiradda inay si dhaqso ah xafiisyada ula wareegaan.

Gollaha Wasiiradda ayaa looga baaqey inay diyaariyaan qorshaha 90-ka maalmood ee mudo-xiloodkooda, iyadoo lagu xisaabtamayo waqtigaas aadka u yar oo laga sugayo doorasho inay qabteen, islamarkaana ay sameeyaan diyaar-garow dhinac walba ah.

Xasan Cali Khayre ayaa xilka laga qaadey 25-kii July 2020, isagoo ku howlan doorashadda, waxaana xilka qaadistiisa ay dib usoo dhigtay dalka oo qorshuhu ahaa in shacabka markii ugu horeysay in ka badan 50 sano inay u dareeraan doorashooyin qof iyo cod ah.

Muraacadka ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu dalka ka lumiyay waqti qaali ah, oo ku bixiyay khilaaf ka shaqeyn, burinta nidaamka federaalka iyo kala qeybinta shacabka, waxaana xukunkiis alaga dhaxlay dhibaatooyin ay adkaan doonto in mudo yar lagu xaliyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.