Wasiiradda la riday oo saxiixaya heshiisyo dhaqaale ku raadinayaan

Heshiiskan oo ka dhacay Istanbul, Turkey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Mas'uuliyiin kale oo kamid ah labada dhinac.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda la riday oo saxiixaya heshiisyo dhaqaale ku raadinayaan

ISTANBUL, Turkey - Xukuumadda xil-gaarsiinta ee 25-kii bishii July Baarlamaanka kalsoonida kala noqday ayaa sii wado saxiixa iyo ansixinta heshiisyo iyo sharciyo, iyadoo aan haysan sharciyada ay ku go'aaminayso howlaha saameynaya masiirka dalka.

Waxaa magaaladda Istanbul ka dhacay munaasabada lagu saxiixay heshiis Shirkadda Albayrak mudo kordhin loogu sameynayo waqtiga ay maamulayso dekadda Muqdisho, sida uu shaaciyay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac C/llaahi Maxamed.

Safiirka ayaa intaasi ku daray in heshiiska la saxiixay uu ku yimid wada-xaajood mudo labo sano ah soo socday oo u dhaxeeya Shirkadda iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda, oo ay hogaamiso Maryan Aweys.

Wasiirka Dekadaha Xuukumadda la riday Marywan Aweys ayaa saxiixday heshiiska, iyadoo uu goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Mas'uuliyiinta uu kamid yahay gudoomiyaha Shirkadda Albayrak.

Shirkadaha Albayrak iyo FAVORI LLC oo Turkiga laga leeyahay ayaa mudo sanado ah tan iyo dowladdii Xasan Sheekh maamulayay illaha dhaqaalaha ugu weyn ee dalka, sida Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo ka sameystay gudaha goobahaas xaruumo ganacsi, sida Décalé Hotel oo Airport-ka laga dhexdhisay.

Madaxda xilka kasii degaysa, gaar ahaan Wasiiradda ayaa billaabey inay boobaan hantida dowladda, iyagoo galaya heshiisyo deg-deg ah, oo ujeedkoodu yahay inay ka helaan lacago ay doorashada ku galaan, si ay usoo laabtaan markale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa dhawaan soo saarey liis diblomaasiyiin ah oo uu magacaabey, wuxuuna ku qoray shaqsiyaad beeshiisa kasoo jeeda, kuwaasoo uu meelaynayo inta uusan xafiiska ka tagin. [Halkan ka akhri war KON ka qortay]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.