Wasiiradda RW Rooble oo baajiyay kulan xasaasi ah

Kulankan ayaa lagu wadey Maanta inuu ka dhaco Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, laakiin daqiiqadii ugu dambeysay ayaa la baajiyay, iyadoo lagu wargeliyay Wasiiradda baaqashadda.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda RW Rooble oo baajiyay kulan xasaasi ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta baaqdey shir aan caadi ahayn oo Gollaha Wasiiradda Ra'iisul Wasaare Rooble uga hadli lahaayeen arrimaha soo cusboonaadey, gaar ahaan xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhaxaysa Kenya iyo arinta Jubbaland.

Wararka Keydmedia Online ka heshay Villa Somalia ayaa sheegaya in ajandaha kulanka uu ahaa in Wasiiradda ay meel-mariyaan go'aan Farmaajo usoo gudbiyay oo ah in Jubbaland loo aqoonsado dhul cadowga haysto, oo aan doorasho lagu qaban karin illaa laga xoreeyo.

Waa markii labaad oo baaqdo kulanka, iyadoo aan la ogeyn sababta balse Xogta KON ayaa sheegaysa in Rooble uu ka caga-jiiday fulinta go'aanka Farmaajo, oo uu u arko inuu dhaawacayo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur, ayaa dhawaan ku tilmaamay tallaabada Jubbaland loogu aqoonsanayo dhul cadow Is-miidaamin siyaasadeed, isagoo kula taliyay Rooble inuusan sameynin.

Farmaajo ayaa kala dhaxeeya Axmed Madoobe khilaaf xooggan, oo hadda cirka isku shareeray kadib markii Villa Somalia ay Gedo la wareegtay, islamarkaana ay doonayso inay qabato doorashadda Garbahaarey ee Xildhibaanada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.