KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Seyoum Mesfin ayaa markii Abiy xilka loo dhiibay qabtay jagada ergayga gaarka ee Itoobiya u qaabilsan arrimaha gobolka Bariga Dhexe.
ADDIS ABABA, Itoobiya - Sarkaal katirsan Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas Seyoum Mesfin iyo Xubno kale oo TPLF katirsanaa in lagu dilay howlgal military.
Waxaa sidoo kale ay Ciidanka Itoobiya dileen Abay Tsehaye, oo kamid ahaa gudiga fulinta TPLF iyo Asmelash Woldesellassie oo ah Mas'uul kale oo Xisbigan hogaankiisa ku jiray.
Seyoum Mesfin oo ahaa Wasiirkii ugu mudada dheeraa ee Arrimaha Dibadda Itoobiya kasoo shaqeeyay [1991-2010], ayaa si aad ah uga soo horjeeday howlgalkii gobolkiisa Tigreegga, kaasoo TPLF awoodeeda lagu wiiqay, lagana saarey magaaladda Mekelle bishii lasoo dhaafay.
Waxaa la qabtay 5 TPLF kamid ahaa, oo 4 Ciidan ahaa iyo mid rayid ah, sida uu sheegay Sarkaalka u hadlay Militeriga dowladda Abiy oo mudo-xileedkeeda ku ekaa August 2020.
Militeriga Itoobiya wali ma shaacin goorta uu Howlgalkan dhacay iyo halka laga fuliyay, waxaana jirin war kasoo baxay TPLF oo xaqijinaya ama beeninaya warka ku saabsan dilka Saraakiisha sare uu kamid yahay Seyoum Mesfin.
Abiy Axmed ayaa guulo ka sheegtay howlgalkii ka dhanka ahaa TPLF, kaasoo lagu soo gaba-gabeeyay qabashadda Mekelle, iyadoo wali Ururkan xubno katirsan ay ku jiraan gudaha dalka iyagoo hubeysan, lagana cabsi qabo inay dib isku soo abaabulaan.
Hadii ay cadaato dilka Seyoum Mesfin, oo 71 jir ahaa waxay dharbaaxo xoog leh ku noqonaysaa TPLF, oo inta badan Madaxdeedii ay dileen Ciidamada Federaalka, qaar kale oo badana nolosha lagu qabtay intii uu howlgalka socday.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.