Xalka Khilaafka Jubaland iyo DF oo laga shaqeynayo

Axmed Madoobe ayaa u muuqda inuu ku qanacsan yahay dhexdhexaadinta laga sameyanyo Khilaafka maamulkiisa iyo Villa Soomaaliya, oo horey u diiday inay aqoonsato natiijadda doorashadii August 2019 ka dhacday Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Xalka Khilaafka Jubaland iyo DF oo laga shaqeynayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Isagoo warbaahinta kula hadlayay Garoonka diyaaradaha Kismaayo maanta kadib markii uu kasoo laabtay Dhuusamareeb, ayuu Axmed Madoobe sheegay in wadahadallo uu kula jiro madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo soo afjaro khilaafka isaga iyo Farmaajo u dhaxeeya.

Axmed Madoobe wuxuu tilmaamay in Khilaafka xal laga gaari doono, kahor shirka Dhuusomareeb ee soo socda oo la qorsheeyay inuu furmo 15-ka bisha August, isla markaana gudi farsamo bilaabay inuu soo celiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta Jubaland iyo Villa Soomaaliya.

Khilaafka la xilinayo waxaa ugu waaweyn labo qodob, oo kala ah xayiraadda duulimaadka saaran Kismaayo iyo Xiisadda gobolka Gedo, halkaasi oo Ciidan laga diray Muqdisho ay kala wareegeen sanadkan kuwa Jubaland gacan ku heynta degmooyin ay kamid yihiin Luuq, Beled-Xaawo iyo Doolow.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa dalbaday in dowladda ka laabato go'aankii ay mudo xileedkiisa uga dhigayso labo sano, oo ka billaabanaysa maalintii la doortay August 2029, isagoo doonaya inuu xafiiska sii jooga 4 sano, 2019-2023.

Dowladda ayaa ugu baaqday Axmed Madooobe inuu fidiyo gogol ay isugu yimaaddaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.

Arrimahan ayaa imanaya xili ay soo dhowdaha mudo xileedka dowladahada jirta, sidoo kalena waxaa jira culeyso sii kordhaaya oo beesha caalamka ku saarayana dowlada in ay la xaajooto maamul goboleedyada dalka ee ay is diidan yihiin.

Axmed Madoobe, oo 58 jir ah ayaa Kismaayo qabsaday dhamaadkii 2012, isagoo wata Ciidamada Kenya oo dalka si sharci darro ah ugu soo hogaamiyay, waxuuna kadib magaaladda ku qabsaday doorasho May 2013, taasoo isaga Madaxweyne loogu doortay.

Doorashadii kadib, waxaa Kismaayo ka dhacay isla bishaas May dagaal dhiig ku daatay, oo isaga iyo Ciidanka Barre Hiiraale u dhaxeeyay, iyadoo markii dambe uu ku adkaaday, maadaama Ciidanka Kenya ay caawinayeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.