Xiisad ka taagan Kismaayo

Xiisadda ayaa timid kadib markii shalay uu magaaladda gaarey taliyaha cusub ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) iyo Saraakiil kale oo katirsan xoogga dalka.

Warar Keydmedia Online
Xiisad ka taagan Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Xiisad ayaa ka taagan maanta magaaladda Kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose kadib markii Farmaajo shalay u diray Saraakiil Ciidan, oo uu hogaaminayo taliyaha cusub ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare).

Ciidanka Axmed Madoobe ayaa lagu daadiyay wadooyinka, kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka. Waxaa jirta cabsi laga qabo in DANAB ay howlgal ka fuliso magaaladda kaasoo suurta-gal ah in maamulka halkaasi ka jira awoodda loogala wareego.

Ciidanka DANAB ayaa saldhigyo ku leh duleedka Kismaayo, halkaasoo iyaga iyo askarta Mareykanka ay ka qorsheeyaan, kana qaadaan weerarada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Kismaayo ayaa go'aansanayn tan iyo sanadkii tagey, iyadoo laga joojiyay diyaaradihii tagey jiray, kadib markii uu xumaadey xiriirka Axmed Madoobe iyo Farmaajo, oo kasoo jeeda labada beelood ee ku loolamaya gacan ku heynta Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa August 2019 ku qabtey Kismaayo doorasho uu isaga kaliya ku tartamay, iyadoo dowladda Federaalka ay qaadacday natiijadda, islamarkaana billowday inay maamul kale ka sameyso gobolka Gedo.

Markii uu qabsadey magaaladda 2012, isagoo wata Ciidanka Kenya, Axmed Madoobe ayaa sameeyay dilal uu ku beegsadey dadkii kasoo horjeestay maamulkiisa, gaar ahaan odayaasha, ganacsatada iyo aqoonyahanadda beesha Mareexaan, ee Farmaajo uu ka dhashay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.