Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Galmudug

Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa waxaa shalay Shaqo joojin ku sameeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Warar Keydmedia Online
Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Galmudug waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed, oo u dhaxeeya gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano kasoo horjeestay shaqo joojin lagu sameeyay mudane lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa khilaaf gaar ah kala dhaxeeyay mudooyinkii dambe gudoomiye Gacal, waxayna Xildhibaanada isaga taageersan billaabeen olole ay mooshin ku diyaarinayaan, waxaana jirta in warqad cabasho ah loo gudbiyay Madaxweyne Qoor-Qoor.

Xildhibaan Calasow oo kamid ahaa Musharixiintii kursiga kula tartamay Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal, ayaa hadda ah Wasiir dawladaha Wasaaradda Amniga Galmudug.

"Awood dastuuri ah uma lahan inuu shaqada iga joojiyo, waana go'aan baalmarsan sharciga u degsan Galmudug, mana ahan wax la aqbali karo," ayuu yiri Xildhibaan Calasow, isagoo intaasi ku daray in uu ka qeybgali doono kulamada Gollaha.

Gudoomiye Gacal ayaa u cuskaday shaqo-joojinta in Xildhibaanka uu kasoo qeybgali waayay kulmada iyo inuu ka gaabiyay waajibaadkii loo dhaariyay. Xildhinaanada ayaa leh kulamo gaar-gaar ah, oo Mooshin ay ku diyaarinayaan, si ay xilka uga qaadaan Gacal.

Galmudug oo curdun ah, oo aan awood badan lahayn, islamarkaana ku jirta xilligan marxalad dib u heshiisiin iyo dhismaha hay'adaha dawliga ayaa laga digay in khilaafaadka aan dhamaadka lahayn inuu ragaadiyo is-bedelka socday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.