KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
“Waxaan si xushmad leh u weydiisanayaa mudaneyaasha Gollaha Shacabku in ay kalsoonidooda i siiyaan si aan u guto waajibaadkeyga,” ayuu RW Rooble ku yiri muuqaal cusub oo uu soo dhigay Twitter-ka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Keydmedia Online ayaa heshay Xog hoose oo sheegaya in Villa Somalia lacag ku bixinayso sidii uu Baarlamaanka u anxisin lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.
Waxaa ka socday labadii cisho ee lasoo dhaafay huteellada Muqdisho kulamo mas’uuliyiin katirsan xafiiska Madaxweyne Farmaajo si gaar gaar ah ula yeelanayeen Xildhibaanada Gollaha Shacabka, iyagoo taageero u raadinaya Rooble.
Xildhibaanada ayaa lacago aad u badan, inta u dhaxaysay 10-kun illaa 15-kun midkiiba loo balan-qaaday, waxaana la filayaa in kulanka ugu horeeya ay si aqlabiyad leh u ansixiyaan Ra'iisul wasaaraha cusub, sida Xogta KON ay sheegayso.
“Waxaan si xushmad leh u weydiisanayaa mudaneyaasha Gollaha Shacabku in ay kalsoonidooda i siiyaan si aan u guto waajibaadkeyga,” ayuu RW Rooble ku yiri muuqaal cusub oo uu soo dhigay Twitter-ka.
Dhanka kale, Ilo wareedyada ayaa tilmaamaya in inta badan xubnaha Xukuumadii Xasan Cali Khayre uu RW Rooble kusoo dari doono Gollahiisa Wasiiradda cusub, si loo sii wado shaqooyinkii qabyada ah.
Falanqeeyayaasha Siyaasada ayaa aaminsan in Doorashooyinka iyo Arrimaha Amniga ay yihiin howlaha ugu waaweyn ee sugaya Rooble, oo aan lahayn qibrad siyaasadeed, kuna cusub howsha loo dhiibay. [Halkan ka akhri qofka uu yahay RW Rooble]
Rooble waxaa horyaalla shaqo aad u badan, oo laga rabo inuu ku qabto waqti yar, iyadoo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyay inuu waqtiga dowladda ku lumiyay ka shaqeynta khilaafaad siyaasadeed iyo mudo-korarsi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.