Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Maalmihii lasoo dhaafey siyaasadda Soomaaliya waa ay sii kululaanaysay, waxaana isbedel lagu sameeyay Gudi doorasho oo la shaqeynayay Farmaajo, uga bogo Macluumaad kale Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka, ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

12 December 2021: Musharixiinta mucaaradka ayaa ku dhawaaqey go'aan gilgiley Villa Somalia, islamarkaana uu ka nixiyay Farmaajo kaasoo dadka Caasimadda ku nool soo xasuusiyay sawirkii April 2021. [Halkan kala soco].

RW Rooble ayaa ku sasabaya Mucaaradka wax qabad been ah, oo dhowr jeer balan-qaadyo u sameeyay misna aan fulin, iyadoo ay sii socoto doorashadda musuq-maasuqa ku dhisan. [Halkan kala soco].

13 December 2021: Gudoomiyaha FEIT Maxamed Xasan Cirro ayaa qiray in cadaadis lagu hayo gudiyadda doorashooyinka Soomaaliya, taasoo keentay inay noqon waayaan dhexdhexaad. [Halkan kala soco].

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa ii soo baxaysay habdhaqanka xukunka Farmaajo iyo damaciisa kali taliska, oo xiligan aan ka soconaynin Soomaaliya, maadaama dadku aysan wacyigooda ahayn sidii hore, islamarkaana ay soo jeedaan. [Halkan kala soco].

14 December 2021: Shariif, ayay dadka qaar ku tilmaameen inuu yahay shaqsi is-badel badan, waxaana dib loo soo xasuustay waddadii uu xilka Madaxweynaha ku helay oo ahayd inuu ka soo diga-rogtay hoggaankii Midowgii Maxaakiimta. [Halkan kala soco].

Askar markii ay caafimaadka qabeen lagu shaqeysan jiray, oo markii ay dhaawacmeen meel lagu tuurey, iyagoo u dhimanaya dayac iyo dayreel la'aan. [Halkan kala soco].

15 December 2021: Isagoo aan gaarin dad'dii lagu noqonayay Jeneraal Ciidan ayuu Farmaajo ka dhigay, wuxuuna usii raaciyay xilka ugu sareeyay Ciidanka xoogga, si uu daacad ugu noqdo, uguna adeego. [Halkan kala soco].

Waxaa banaanka soo baxay wajiga qarsoon ee Deni iyo Axmed Madoobe, oo isku garansanaya qabyaalad, waxayna indha ku hayaan Madaxtooyadda Villa Somalia kursiga ugu sareeya dalka. [Halkan kala soco].

16 December 2021: Ra'iisul Wasaare Rooble waxaa hadda hortaalla fursaddii ugu dambeysay, oo hadii uu lumiyo ay sababayso in Soomaaliya ay dagaal gasho. [Halkan kala soco].

CC Warsame ayaa cadeeyay todobaadkan inuu ka aar-gudan doono iyo inkale Farmaajo oo dhibaato u geystay, hadii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha doorashadda soo socota ee dalka Soomaaliya. [Halkan kala soco].

17 December 2021: Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor, ayaa dhegta u taagaya waxa ka soo baxaya Puntland iyo Jubbaland, kadib markii iyaga ay soo saareen Xildhibaanno daacad u ah Farmaajo. [Halkan kala soco].

Farmaajo oo xili uu kusii jeeday Turkiga Erdogan ku casuumey, diiday inuu sii maro Jabuuti, isagoo ka door-bidey Itoobiya, oo saxiibo dhaw la yahay RW Abiy Axmed. [Halkan kala soco].

18 December 2021: RW Rooble ayaa sameeyay wixii laga sugayay wax ka yar, isagoo iska qancinaya Musharixiinta Mucaaradka, oo caqabad ku noqdey doorashadda uu u boobayo Farmaajo. [Halkan kala soco].

Madaxweyne Erdogan ayaa drones ka iibinaya Madax African ah oo uu ku jiro Farmaajo, kuwaasoo ku sugan magaaladda Istanbul, waxaana Muqdisho ka socda isku Ciidan iyo Hub aruursi. [Halkan kala soco].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.