Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey maalin kasta oo kamida waxay sidatay dhacdo u gaar ah, oo qof walba si gooni ah u taabatey, kuna xasuusan doono, farxad ama murugo, tani waa dhacdooyinka Isbuucaan ee Keydmedia Online idiin soo xushay. 

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

5 October 2020: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aanay jirin shaqo uu qabtay Maamulka Farmaajo, isagoo tilmaamay in dalka uu joogo meeshii laga keenay 2016. Wuxuu xusay in indhaha ka laabtay Wadanka in loo jiheeyo doorasho ka duwan tii 2016/2017.

6 October 2020: Madaxweyne Farmaajo oo waqtigiisa kursiga uu gebogebo yahay ayaa soo hindisay in Warbaahinta Dawladda loo bedalo mid bulsho, taasi oo tebin doonta wararka dowladda, Mucaaradka iyo kuwa bulshada kale.

7 October 2020: Sii hayaha xilka Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Soomaaliya, Sadiiqa Warfaa ayaa shaaciyay in hay'adda NISA ay baaritaan ku samaynayso dhamaan shaqaalaha dawladda, iyadoo laga digay in xogta, magacyada iyo sawiradda shaqaalaha loo gudbiyay Al-Shabaab.

8 October 2020: Musuq-maasuqa ka jira Gobolka Banaadir ayaa gaaray ilaa heer Degmo, iyadoo gudoomiyeyaasha ay sameysteen Waraqado ay lacag sharci-darro ah uga qaadayaan guryaha, taasoo ay suurtagal tahay in duqa Muqdisho Cumar Filish uusan ka war qabin, sida ay Keydmedia Online ogaatay.

8 October 2020: Allah u naxariistee waxaa Magaalada Jig-jiga ku geeriyoodey Cali Khaliif Galleyr oo mar soo noqday Ra'iisul wasaaraha dalka sanadkii 2000, sidoo kalena soo noqday Madaxweynaha Khaatumo.

9 October 2020: Nabaddoon Xaad ayaa sheegay in Madaxda hadda joogto Villa Soomaaliya aan dawladnimo ka rabin dalka, isagoo dhanka kale ka digay in Taliyaha DANAB Cabdimaalik Ismaaciil Maalin loo wareejiyo Xabsiga Dhexe, oo uu sheegay in la doonayo halkaasi in lagu dilo marka la geeyo.

10 October 2020: Keydmedia Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in Mareykanku uu joojiyay taageeradii uu siin jiray DANAB oo ah unuga ugu fir-fircoon ee Xoogga dalka, marka laga hadlayo dagaalka Al-Shabaab, sababo la xiriira musuq-maasuq iyo maamul xumo ka dhex-jira Taliska Ciidanka. 

11 October 2020: Warar illo lagu kalsoon yahay ay ka heshay Keydmedia Online Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Farmaajo uu doonayo in uu Xildhibaanno ka dhigo shaqaale katirsan Villa Soomaaliya iyo rag ay isku beel yihiin, oo hadda katirsan laamaha kala duwan ee dawladda waqtigeeda sii dhamaanayo.

Doorashadii 2016-2017, inta badan Shaqaalihii Villa Somalia ayaa Baarlamaanka 10-aad wada galay, weliba si sahlan, waxayna ahayd arin ugub ah iyo waxyaabo kusoo kordhay siyaasada dalka.

Xitaa Madaxii jikada Madaxtooyada Soomaaliya, C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa Xildhibaan laga dhigay, isagoo kamid noqday Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo kamid ahaa shaqsiyaad badan oo Xasan Sheekh soo saarey si ay isaga ugu codeeyaan doorashaddii 8-dii February, balse markii dambe doonta la gediyay.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.