Keydmedia Online Topic page

Maxamed Xuseen Rooble

​Injineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqonaya Ra’isul Wasaarihii 20-aad ee Soomaaliya. Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida ku xusan Cv-giisa uu darajadda koowaad ee Jaamacadda uu ka heystaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Shahaadadda heerka Master-ka ayuu ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wuxuuna uga qalanjabiyay culuunta Environmental Engineering and Sustainabale Infrastructure.

Maxamed Rooble ayaa ku cusub siyaasadda, wuxuuna muddo dheer (14 sanno) lasoo shaqeynaayay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization) ILO.

Warar Keydmedia Online | 27 September 2020

Xil-wareejinta ayaa dhacday iyadoo Xasan Cali Khayre uu joogo Muqdisho, waxaana lagu tilmaamay arinta mid sharci darro ah, oo baal-marsan dastuurka dalka.

Warar Keydmedia Online | 27 September 2020

Ma jiraan mas'uuliyiin sare oo ka qeybgashay musaanabadda, sida Farmaajo oo qeyb ka ah is-bar bar yaaca ka jira Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online | 27 September 2020

Farmaajo ayaa dowladnimada ka leexiyay jikeeda, isagoo jebiyay sharciga dalka oo ahaa in hadii xilka laga qaado Ra'iisul Wasaare, isaga sii haya xafiiska illaa mid cusub ka imaanayo, laakiin ma uusan sameyn markii Khayre la eryay July 25.

Warar Keydmedia Online | 24 September 2020

Siyaasigan ayaa mudo dheer ugu dambeysay Villa Soomaaliya, isagoo saddexadii sano ee lasoo dhaafay dagaal afka ah kula jiray Madaxda fadhisa Xarunta Madaxtooyadda.

Warar Keydmedia Online | 20 September 2020

Villa Soomaaliya ayaa ka shaqeynaysa qorshe cusub oo la doonayo in Gollaha Shacabka ku siiyaan codka kalsoonida Rooble, oo maalmo kahor xilka uu Farmaajo u magacaabey.

Warar Keydmedia Online | 20 September 2020

“Waxaan si xushmad leh u weydiisanayaa mudaneyaasha Gollaha Shacabku in ay kalsoonidooda i siiyaan si aan u guto waajibaadkeyga,” ayuu RW Rooble ku yiri muuqaal cusub oo uu soo dhigay Twitter-ka.

Warar Keydmedia Online | 19 September 2020

"Anigoo fahamsan in dalku uu ku jiro marxalad kala guur ah, hadana mudada aan xilka hayo waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeegayaa si daacad ah," ayuu yiri RW Rooble.

Warar Keydmedia Online | 18 September 2020

Ra'iisul wasaaraha ayaan haysan waqti ku filan, waxaana uu sii dhammeystiri doonaa shaqooyinka qabyada ah.