KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Siyaasigan ayaa mudo dheer ugu dambeysay Villa Soomaaliya, isagoo saddexadii sano ee lasoo dhaafay dagaal afka ah kula jiray Madaxda fadhisa Xarunta Madaxtooyadda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Wadajir, C/raxmaan Cabdishakuur ayaa maanta kula kulmay Madaxtooyadda Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, maalin kadib markii uu helay codka kalsoonida BF.
Kulanka saacadaha qaatey ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ugu muhiimsan doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda
"Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelannay Raysalwasaare Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diiradda u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda." ayuu yiri CC Shakuur.
RW Rooble ayaa u sheegay CC Shakuur in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, dadaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinnaado.
Muddo dheer ayaa ugu dambeysay C/raxmaan Cabdishakuur inuu cagta saaro Villa Soomaaliya, isagoo tan iyo markii looga adkaadey doorashadii 2017 dagaal kula jiray Farmaajo iyo Khayre, oo ku dhaliili jiray maamul xumo, musuq-maasuq iyo nin-jeclaysi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.