Khayre xilka maku wareejin doonaa RW Rooble?

Farmaajo ayaa dowladnimada ka leexiyay jikeeda, isagoo jebiyay sharciga dalka oo ahaa in hadii xilka laga qaado Ra'iisul Wasaare, isaga sii haya xafiiska illaa mid cusub ka imaanayo, laakiin ma uusan sameyn markii Khayre la eryay July 25.

Warar Keydmedia Online
Khayre xilka maku wareejin doonaa RW Rooble?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la filayaa in Maanta oo Axad ah la wareego xafiiska, iyadoo su'aallo la iska waydiinayo cida uu kala wareegayo iyo inuu Khayre diyaar u yahay xil-wareejin.

Madaxtooyadda waxay diyaarisay munaasabad xil-wareejin ah oo dhacaysa Maanta, iyadoo fariin loo diray Wasiiradda lagu wargeliyay inay kasoo qeybgalaan, laakiin lama sheegin cida kale ee lagu casuumay.

”Dhamaan Xubnihii Golihii hore Wasiirada, waxaa la idinku wargelinayaa in Axad 27/9/ 2020 Saacadda 10: 00 AM ay jirto Xafladda uu xilka kula wareegayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhaceyso Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha," ayaa lagu yiri qoraalka.

Khayre ayaa dhawaan sheegay in uu diyaar u yahay xilka wareejin, isagoo arintaas ku wargeliyay Farmaajo, Guddoonka labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Hanti dhowraha Qaranka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.