Axmed Madoobe oo duulaan ku ah gobolka Gedo

Hay'adaha Samafalka ayaa ka cararay Gedo, kadib markii ay soo foodsaaray walaac dhanka amniga maadaama loolan military uu ka jiro gobolka.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo duulaan ku ah gobolka Gedo

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku dhawaaqay guluf dagaal oo ay ku qaadi doonaan gobolka Gedo si ay uga saaraan Ciidamada Farmaajo uu halkaasi geeyay dhawaan.

Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay Kismaayo, ayuu Madaxweyne ku-xigeenka oo ay isku qabiil yihiin Farmaajo, kana soo jeedo Gedo sheegay in Jubbaland ay dib ula wareegi doonto degmooyinkii ay ka qabsadeen Ciidanka Haramcad ee laga keenay Muqdisho.

"Gedo waxaan kula wareegi doonaan awood military, dib ayaan u xoreyn doonaa gobolka, anagoo kaashanaynaa shacabka degan iyo Ciidamada aan xulufada nahay ee ka socda Kenya," ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu xusay in Farmaajo uu doonayo gobolka inuu ka qabto doorasho ay maamulayaan xubno katirsan NISA, iyadoo Jubbaland laga wareejiyay maamulka doorashadda Xildhibaanno ka imaanaya gobolka, taasoo kahor imaanaysa heshiiskii DF iyo Maamullada 17-kii September 2020.

Hesiiska ayaa dhigaya in labo degaan ay ka dhacdo doorashadda Maamul kasta, islamarkaana madaxda Dowlad Goboleedyada loo madax-baneeyo qabashadda iyo maareynta codbixinta, oo ay iska kaashanayaan gudiyada isku dhafka ah.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in Jubbaland aan gacanta ugu jirin Gedo, islamarkaana ay dowladda Farmaajo hareermartay heshiisyada siyaasadeed ee lagu gaarey wadahadalladii ka dhacay Muqdisho.

Wuxuu ku eedeeyay Farmaajo inuu Jabhado ka abuuray gobolka, oo hadda maamulkiisa loo dhiibay dad laga keenay Caasimadda dalka oo aan matelaynin danta dadka degaanka. Axmed Madoobe ayaa balan-qaadey inaysan doorasho ka dhacaynin Jubbaland, illaa gacantiisa lagu soo celinayo Gedo.

Doorashada Jubbaland ayaa ka dhici laheyd Kismaayo iyo Garbahaarey, laakiin Garbahaarey oo ka tirsan gobolka Gedo, waxey haatan ku jirtaa gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kahor doorashada Ciidamo geysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.