Ciidan laga qaadey Muqdisho oo la geeyay Gedo [Sawirro]

Illa hadda Axmed Madoobe ma uusan magacaabin gudoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo bulshadda degaanka ay u direen liiska musharixiinta.

Warar Keydmedia Online
Ciidan laga qaadey Muqdisho oo la geeyay Gedo [Sawirro]

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Boolis katirsan AMISOM ayaa Maanta la geeyay magaaladda Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo halkaasoo ay kamid tahay degaan doorashooyinka.

Maamulka degmada ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay tobanaan askari oo Muqdisho diyaarad looga soo qaadey, waxayna hordhac u yihiin Ciidan badan oo la geynayao gobolka Gedo.

Rooble ayaa saddex bilood kahor gudi amni u magacaabey arrimaha doorashooyinka, kaasoo ka kooban taliyeyaasha booliska Soomaaliya, kuwa maamullada iyo AMISOM oo si wadajir ah uga shaqeynaha nabadgelyada goobaha doorashadda ka dhacayso.

Waxay dowladda dhibaato badan ka haysataa qabashadda doorashadda Aqalka Hoose, oo khilaaf siyaasadeed iyo khatar amni dib u dhigayay tan iyo Dec 2020, iyadoo illaa hadda kuraasta Aqalka Sare aan dhameystirmin.

Gedo waa meesha ugu adag ee muranka badan ka taagan yahay, maadaama dadkiisa aysan rabin inuu Axmed Madoobe u maamulo doorashaddaa 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarey.

Dadaal dheer iyo wadahadallo kadib, Rooble ayaa ku guuleystay in reer Gedo ay iyaga maamushaan doorashadda, islamarkaana Axmed Madoobe uu soo magacaabo gudoomiyaha iyo ku-xigeenka Garbahaarey, oo dadka noqonaya liiskooda ka yimid bulshadda gobolka.

Illa hadda Axmed Madoobe ma uusan magacaabin gudoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo bulshadda degaanka ay u direen liiska musharixiinta, oo ka kooban afar xubnood.

Gudiga doorashadda heer maamulka Goboleed ee Jubbaland SEIT iyo Gudiga doorashadda heer Federaal FEIT ayaa isla maamuli doono doorashadda kuraasta Gedo, waxaana la filayaa inay noqoto mid dadka ay ku qanci doonaan, maadaama sidii ay rabeen loo yeelay.

Farmaajo oo gobolka kasoo jeeda ayaa juhdi badan ku bixiyay inuusan Axmed Madoobe afduubin 16-ka kursi ee Garbahaarey la dhigay, kuwaasoo beeshiisa uu u rabo inay kasoo baxaan kuwa isaga taageersan, oo u codeeya doorashadda Madaxtinimada.

Kadib markii mudo xileedkiisa dhamaadey, wuxuu billaabey si kasta inuu kursiga kusii fadhiyo, wuxuu isku dayay Farmaajo inuu afgembi dadban sameeyay wayna u suurtageli waysay April 2021.

Jubbaland intii uu Axmed Madoobe xukumayay 8-dii sano ee lasoo dhaafay marna kama talin Garbahaarey, waxaana u sababa ah in shacabka degaanka aysan ku qancin saami qeybsiga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.