Dagaalka Itoobiya: Ciidanka oo la wareegay Garoon diyaaradeed

Ku dhawaad labo todobaad ayuu dagaal ka socdaa gobolka Tigreegga, ee waqooyiga Itoobiya, waxayna dowladda dhexe isku dayaysaa inay burburiso TPLF.

Warar Keydmedia Online
Dagaalka Itoobiya: Ciidanka oo la wareegay Garoon diyaaradeed

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ciidamada difaaca dalka Itoobiya [EDF] ayaa maanta la wareegay garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Tigray xili uu todobaadkii labaad dagaal ka socdo gobolkan oo ku dhaw xuduuda Eritrea. 

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka si buuxda ula wareegeen Humera Airport, oo waqooyiga galbeed ee gobolka Tigray ku yaalla, waxaana la sheegay inay malleeshiyaadka TPLF ay halkaasi ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo maalmihii dambe.

Magaaladda Humera waxay dhacdaa xadka Itoobiya iyo Suudaan, iyadoo la wareegisteeda ka dhigan tahay dharbaaxo ku dhacday awoodda TPLF oo gacanta ku haysay maamulka gobolka Tigreegga mudo dheer.

Dagaalka gobolka ayaa billowday kadib markii TPLF lagu eedeeyay weerar lagu qaadey saldhigyo Ciidanka Federaalka ku lahaayeen gobolka, halkaasoo ka dhacay khasaaro dhimasho iy odhaawac iyo bililiqo loo geystay agabka Ciidanka.

Itoobiya ayaa sii kala go'aysa, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka hadda ka socda gobolka Tigreegga uu kusii fido gobolladda kale, oo horey mucaarad ugu ahaa dowladda Dhexe ee uu hogaamiyo Abiy Axmed.

Dalka Itoobiya, oo ah midka 2aad ee ugu dadka badan Africa wuxuu saameyn dhaqaale iyo mid Ciidan ku leeyahay Soomaaliya oo xuduud ballaaran la wadaaggo.

Farmaajo ayaa saaxiib dhaw iyo sokeeye ka dhigtay Abiy Axmed markii uu noqday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya horaantii 2018, iyadoo Addis Ababa noqotay madraso casharadda kaligii-talisnimada lagu baro Madaxweynaha Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.