DFS: Lama baarayo sababta uu Cali Khaliif u dhintay

Qoyska Marxuumka ayaa sheegay inay dalbanayaan baaritaan madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo, kadib markii ay ka shakiyeen in Cali Khaliif la sumeeyay.

Warar Keydmedia Online
DFS: Lama baarayo sababta uu Cali Khaliif u dhintay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir katirsan Xukuumaddii la riday ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dawladda aysan baaritaan ku sameyn doonin sababta keentay geeridda Cali Khaliif Galleyr, oo 8-dii bishan ku dhintay magaaladda Jigjiga, ee dalka Itoobiya.

Sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya C/llaahi Bidhaan ayaa xusay in wax baaritaan ah la marsiin doonin Meydka, islamarkaana lagu aasayo magaaladda Muqdisho, oo maanta laga soo dejiyay.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili qoyska Cali Khaliif ay dalbadeen baaritaan, iyagoo ka shakiyay in la suumeeyay Mas'uulka oo mudooyinkii dambe isagoo caafimaad qaba howlo shaqo u tagey Jigjiga, xarunta Is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiisha Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa tilmaamay in Cali Khaliif uu u dhintay Cudurka Coronavirus-ka, oo maalmo la xanuunsanaa, waxayna arintaasi ay ku ogaadeen sida ay sheegeen baaritaan meyka lagu sameeyay.

Cali Khaliif ayaa dalka Ra'iisul Wasaare kasoo noqday 2000-2001 xiligii dawladdii C/qaasim Salaad, wuxuuna sanadihii dambe ahaa shaqsi u janjeera dhanka Somaliland, oo heshiis kula galay inuu Khaatumo ku biiriyo Maamulka Muuse Biixi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.