Farmaajo iyo Khayre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Waxay madaxda maamullada ay soo saareen go'aanno iyo baaq la xiriira doorashadda, waxayna ku casuumeen Farmaajo iyo Khayre inay kusoo biiraan wada-xaajoodka Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo iyo Khayre oo ku wajahan Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Dhuusamareeb uu gaaro wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyadoo ay kasii hor-mareen Ciidanka ilaalada u ah.

Madaxweyne Famaajo oo lagu qanciyey inuu tago Dhuusmareeb ayaa la filayaa inuu ku biiro Shirka Dhuusamareeb, oo wajigiisa labaad ay dowladda Dhexe iyo Maamullada uga wada-hadlayaan sidii loo qaban lahaa doorasho dadban, oo la isku raacsan yahay.

Farmaajo iyo Khayre ayaa maalin kahor ku dhawaaqay in doorashadda waqtigeeda dhacayso, oo aan mudo korarsi jiri doonin, balse ma aysan sheegin in 4 bilood gudahooda ay ku qaban doonaan iyo inay dalban doonaan waqti dheeraad ah, oo lagu diyaargaroowo.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka, Xaliima Yareey ayaa dhawaan ka sheegtay Gollaha Shacabka in suurta-gal ahayn wadanka doorasho inuu galo November 2020, iyadoo xustay in loo baahan yahay 9 bilood oo ka billaabata marka uu dhamaado mudo-xileedka DF.

Si kastaba, waxaa isha lagu wada-hayaa Dhuusamareeb, iyadoo aan la saadaalin karin heshiis in lagu gaari doono iyo in lagu soo kala tagi doono madasha, iyadoo aan la iskau raacin hal go'aan oo looga gudbayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.