Farmaajo oo Ciidamo cusub u diray Gedo

Gedo waxaa ka jira loolan xooggan oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo isku haya maamulka gobolka, oo dadka degan ay diideen Maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Ciidamo cusub u diray Gedo

GARBAHAAREY - Cutubto katirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa diyaarado lagu geeyay gobolka Gedo, gaar ahaan Beled-Xaawo, Luuq iyo Beled-Xaawo oo horey ugu sugnaayeen Askar uu tababarey Turkiga, oo Haramcad lagu magacaabo.

Sarkaal lagu magacaabo Bakaal Kooke ayaa Ciidanka la geeyay Xuduuda hogaaminaya, isagoo u sheegay Warbaahinta inay wadaan dhaq-dhaqaaq iyo diyaar-garow oo looga hortagayo duulaan uu qorsheynayo Axmed Madoobe.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa sanadkan lagala wareegay dhamaan degmooyinka gobolka, waxaana ka dhacay Beled-Xaawo dagaal saameyn ku yeeshay isku socodka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, oo hadda Ciidamo badan lasoo dhoobay.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu doonayo inuu awood military kula wareego Garbahaarey oo la filayo inay ka dhacdo doorashadda Xildhibaanadda bisha December, waxaana arintaas ay keentay in Farmaajo uu Ciidan cusub ka diro Muqdisho.

Mudo dheer Gedo waxaa ka jiray loolan, iyadoo dadka degan gobolka ay jahwareeriyaan maamullada dusha looga keeno ee Muqdisho iyo Kismaayo laga soo magacaabo, waxaayna haddana noqdeen kuwa dagaal u joog ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.