Farmaajo oo gaarey Dhuusamareeb

Waxaa lagu wadaa Madaxweynaha inuu ka qeybgalo kulan u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamullada oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Farmaajo ayaa maanta gaarey magaaladda Dhuusamareeb, oo lagu wado inuu ka furmo todobaadkan shir aad loo sugayay oo u dhaxeeyay dowladda iyo Maamullada, kaasoo lagu gorfeyn doono arrimaha doorashadda dalka.

Waxaa horey magaaladda ugu sugnaa Ra'iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda Maamullada, oo horey kulan labo maalmood socday u yeeshay, kaasoo ay kasoo saareen war-murtiyeedka ay ku shaaciyeen in dalka aan doorasho qof iyo cod ah ka dhici karin 2020.

Waxay madaxad maamullada ku baaqeen in la raadiyo nooc cusub oo doorasho, iyagoo ugu baaqey Villa Soomaaliya inay kasoo qeybgasho wada-xaajoodka diiradda lagu raadinayo heshisi wada-ogol ah, oo doorashadda ku saabsan, si wadanka looga badbaadiyo inuu galo qalalaase siyaasadeed oo horleh, hadii la qaban waayo doorashada waqtigeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.