Farmaajo oo laga dalbaday inuu Xabsiga dhigo Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa qori caaradiisa kula wareegay Kismaayo, isagoo dalka kusoo hogaamiyay Ciidanka Kenya oo tacadiyo dilal iyo kufsi isagu jira ka geysanaya Jubbooyinka iyo Gedo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo laga dalbaday inuu Xabsiga dhigo Axmed Madoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo katirsan Gollaha Shacabka ayaa ugu baaqey Farmaajo inuu xabsiga dhigo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo uu ku eedeeyay dembiyo dagaal iyo mid ka dhan ah inuu ka geystay Gedo iyo Jubbada Hoose.

Isagoo ka hadlay munaasabad ka dhacday Caasimadda ayuu Jeesow sheegay in Axmed Madoobe liis dheer oo dadkii ku dilay Kismaayo inuu ka yaalla xarunta dembi baarista ee CID-da, islamarkaana uusan ka baxsan karin caaladda.

Xildhibaanka ayaa xusay in 18 Oday, Ganacsato iyo shaqsiyaad muhiim ah uu Axmed Madoobe ku khaarijiyay Kismaayo markii uu qabsaday magaaladda 2012, isagoo beelihii deganaa halkaasi u afduubay qabiilkiisa, oo aan degaan ahaan laga badan yahay.

Sidoo kale, Jeesow ayaa ka codsaday Saciid Deni inuusan dhabarka saaran Axmed Madoobe, maadaama uu yahay shaqsi demiyo ka galay dalka iyo dadka, sida uu hadalka u dhigay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.