Farmaajo oo lagu eedeysay ‘Mas’uuliyad darro iyo Keli-talisnimo’

Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu eedeysay ‘Mas’uuliyad darro iyo Keli-talisnimo’

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal ay soo saartey ayay Madasha Xisbiyadda Qaran eedeymo culus ugu jeedisay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ku baaqday in dalka laga badbaadiyo xaalad halis ah oo kusoo wajahan.

Madasha ayaa u aragta mas'uuliyad-darro iyo kaligii-talisnimo in dalka uu ahaado Xukuumad la'aan muddo 53 cisho ah, islamarkaana Farmaajo dowladnimadii gacantiisa kusoo aruuriyay isagoo uga gol leh inuu ku gaaro dantiisa shaqsiyadeed.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu si cad u baal-maray dastuurka dalka, isagoo Xukuumad aan haysan kasoonida Baarlamaanka u fasaxay inay sharciyo kusoo saarto, islamarkaana fuliso go'aanno masiiri ah.

"Xukuumadda xil-gaarsiinta ma haysato kalsooni baarlamaan, sidaas darteed ma laha awood ay ku meel-mariso shuruuc. Laga soo billaabo maalintii la riday Khayre, dhamaan sharciyadii ay maal-mariyeen gollaha Wasiiradda waa kuwa aan haysan sharciyad, mana dhaqan-gali karaan," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu baaqey inuusan iska indha-tirin muddo-xileedkiisa gabaabsiga ah, sidoo kalena isku dayin inuu Xukuumadda xil-gaarsiinta u adeegsado inuu ku meel-mariyo shuruucda uu doonayo inuu wadanka ku maamulo.

Qodobada soo socda ayay Madasha ku baaqday:

1 - Indheer-garadka, dhaqanka, culimada, Siyaasiyiinta iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed waa inay u istaagaan badbaadinta dowladnimada Soomaaliya.

2 - In doorasho wadar-ogol ah dalka ka dhacdo, laguna qabto muddo-xileedka hay'adaha dastuuriga ah ee hadda shaqeeya loogu soo doortay, sida uu dastuurka qabo.

3 - In laga wada qeybgeliyo dhamaan saamileyda siyaasadda go;aan ka gaaridda arrimaha doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyn, Madasha ayaa ka digtay in Farmaajo uu dalka dib ugu celiyo halkii laga keenay 30 sano kahor, iyadoo beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqdey in laga hor-tago khatar ka dhalan doonto muddo-korarsi hogaanka hadda jira sameysto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.