Farmaajo oo ogolaaday dalabka Axmed Madoobe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sameeyay tanaasul si uu u qanciyo Axmed Madoobe, isagoo ogolaaday in Ciidamadda dowladda laga soo saaro Gedo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ogolaaday dalabka Axmed Madoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Kahor inta uusan furmin kulanka maanta, Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa isku afgartay inay guddi isku dhaf ah magacaabaan, kaasoo ka shaqeynaya sidii Ciidanka dowladda looga soo qaadi lahaa gobolka Gedo, oo horaantii sanadka la geeyay.

Arintan ayaa kamid ah shuruudaha Axmed Madoobe hordhigay Farmaajo markii uu Muqdisho tagey todobaadkii hore, isaga iyo Deni si ay Farmaajo ugala hadlaan danahooda gaarka.

Kulankan oo ay horey u shaacisay Villa Soomaaliya habeenka Arbacada ayaa la baajiyay daqiiqadii ugu dambeysay iyadoo shuruudo cusub ay ka soo baxeen Jubbaland.

Shuruudaha uu soo bandhigay Madoobe ayaa waxaa kamid ahaa ka bixitaanka Ciidamada dowlada Federaalka ee gobolka Gedo. Lama oga inuu Farmaajo u fulin doono Axmed Madoobe balad-qaadka uu u sameeyay.

Ciidamada ayaa la geeyay gobolka bilo kahor si ay u ilaaliyaan amniga, iyagoo dagaal adag la galey askar daacad u ah wasiirka amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Janan oo January 2020 ka baxsaday xabsi ku yaalla Muqdisho.

Dagaalkii Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DF ee ka dhacay Beled-Xaawo oo ku dhow Kenya sanadkan wuxuu sababay argagax, iyadoo dadka deegaanka ay ka carareen guryahooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.