Farmaajo oo canaan iyo waji-gabax kala kulmay Saraakiil Mareykan ah

Kalsoonida uu ku qabo Mareykanka Farmaajo ayaa hoos u dhacday tan iyo markii uu xilka ka qaadey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, taasoo horseeday inuu amniga faraha ka baxo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo canaan iyo waji-gabax kala kulmay Saraakiil Mareykan ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog hoose oo Keydmedia Online ay heshay ayaa sheegaysa in Farmaajo Maanta looga yeeray xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho halkaasi oo uu kula kulmay Saraakiil ka socota dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa kula kulmay Xalane Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo AFRICOM, kuwaasoo kala hadlay xaaladda dalka uu marayo, gaar ahaan doorashooyinka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha ee dib loo dhigay.

Taliyeyaasha AFRCOM ee shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu hoos u dhacay amniga dalka tan iyo markii xilka laga qaadey Khayre, oo ahaa shaqsi howlaha Ciidanka iyo dib u dhiskooda aad uga shaqeynayay, sidoo kalena isku-daba-ridi jiray Iskaashiga Mareykanka iyo Dowladda ee cirib-tirka Al-Shabaab.

Kulanka ka dhacay maanta Xalane ayaa yimid Saacado kadib markii Safaaradda Mareykanka ay xalay soo saartey qoraal ay ku sheegtay in musuq-maasuqa iyo qaraabo-kiilka ka dhexjira dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, taasoo wiiqday dedaalladii dib uu habeynta amniga, taasoo fursad siisay cadowga Al-Shabaab.

Xogaha KON ka heshay illo ku dhaw Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Farmaajo oo ay wehliyeen la-taliyeyaashii ay waji-gabax iyo canaan ay kala soo kulmeen wafdiga Mareykanka ay kula kulmeen xarunta Xalane, iyadoo Madaxweynaha lagu soo amray inuu todobaad gudahiisa ku magacaabo Ra'iisul Wasaarah howlaha qaranka ka shaqeeya.

Mareykanka ayaa dagaal kula jira Al-Shabaab, iyadoo dalka uu ku leeyahay saldhiga qarsoodi ah oo ay degan yihiin Ciidamo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 500-1,000, kuwaasoo la shaqeeya DANAB marka howlgallada fulinayaan.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa ah dalka deeqda dhaqaale ee ugu badan siiya Maamulka Farmaajo, waxaana hadda muuqata inuu ka niyad-jabay la shaqeynta iyo caawinta madaxda Villa Soomaaliya kadib markii la musuq-maasuqay taageeradii Ciidanka, lacagta, hubka, cuntada iyo shidaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.