Farmaajo qorshaha uguma jiro doorasho heshiis lagu yahay

Wuxuu sheegay Sheekh Shariif inuu aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo qorshaha uguma jiro doorasho heshiis lagu yahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ka hadlay xaaladda ka jirta dalka iyo sida Farmaajo ugu fashilmay inuu heshiis la gaaro saamileyda siyaasadda, taasoo keentay in xiligan laga doodo, doorasho mala qaban karaa?

Qoraal uu Twitter-ka soo dhigay ayuu uga digay dhibaato kusoo food leh wadanka, oo madaxda wakhtiga kasii dhammaanayo ay iska indha-tirayaan, isagoo caddeeyay in aan marnaba laga aqbali doonin in Farmaajo uu maalin kursiga sharci darro kusii fadhiyo.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa uga digey guddoonka Golaha Shacabka Mursal iyo Muudey inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxweyne Farmaajo.

"Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay," ayuu hadalkiisa raaciyay Shariif.

Farmaajo ayaa hadda ku sugan Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi aan xaadir kuwada ahayn madaxda Maamullada oo dhan, waxaana shirka Dhuusamareeb 3 u muuqdaa inuu fashil yahay, maadaama Jubaland iyo Puntland ay shuruud uga dhigeen ka qeybgalkooda in marka hore Madaxweynaha magacaabo Ra'iisul Wasaare fulin doono waxa lagu heshiiyo.

KEYDMEDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.