Farmaajo qorshihiisa hor-dhigay saddex Madaxweyne Maamul Goboleed

Inta uusan furmin Shirka Dhuusamareeb bishan, waxaa Villa Soomaaliya ka socda qorshooyin Farmaajo uu waqto, oo ku aadan arinta doorashadda muranka ka taagan.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo qorshihiisa hor-dhigay saddex Madaxweyne Maamul Goboleed

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay xafiiskiisa Villa Soomaaliya ku qaabiley Madaxweyniyaasha Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug, C/casiia Lafta-Gareen, Maxamed Cabdi waare iyo Qoor-Qoor.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Farmaajo ujeedka uu ugu yaarey Madaxda Maamullada ay tahay inuu kala hadlo qorshihiisa dib u dhigista doorashadda, taasoo ay taageereen iyagoo iskau raacay inay isku mowqif ka noqon doonaan shirka wajiga 3aad ee Dhuusamareeb ee furmaya 15-ka bishan.

Farmaajo ayaa cadaadis kala kulmaya fulinta labo arrimood, oo kala ah magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo inuu caddeeyo mowqifkiisa doorashadda, taasoo mucaaradka ay ka shakisan yihiin inaysan waqtigeeda ku dhici doonin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.