KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dowladda Itoobiya ayaa u balan qaadey 10 milyan oo bir ($ 260,000) qofkii u keena macluumaad ku saabsan halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha baxsadka ah ee Tigreegga.
ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay sheegay in dowladda ay siin doonto 10 Milyan oo bir ah oo u dhiganta $260,000 qofkii usoo gudbiya xog ku saabsan halka ay joogaan hogaamiyeyaasha TPLF.
Hogaamiyaashan, oo loo maleynayaa inay ku dhuumaaleysanayaan buuraha ku xeeran gobolka Tiray tan iyo markii ay lumiyeen Caasimada Mekelle 28-kii Nov., oo dagaalkii ay la galeen Ciidanka Federaalka looga adkaadey.
Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalka gobolkan dhaca waqooyiga Itoobiya, oo xukuumada Abiy Axmed iyo kooxda TPLF ay isku hayeen dhinac maamulka, waxaana khilaafka uu sababay gacan ka hadal dhiig ku daatey.
Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa ka qaxay guryahooda, kuwaasoo galay Suudaan, iyadoo hay'adaha samafalka hadda ay billaabeen inay gargaar geeyaan Mekelle kadib markii dowladda la wareegtay.
Abiy Axmed ayaa dib u dhigay doorashadda dalkiisa, wuxuuna isku sii ballaarinayaa xukunka, oo mudo hal sano ah ku darsadey, waxaana laga baqdin qabaa in siyaasadiisa ay saameyn ku yeelato Soomaaliya.
Farmaajo oo saaxiib dhaw oo dhanka siyaasadda ka dhigtay Abiy Axmed ayaa casharaddii uu kasoo qaatey Addis Ababa ayuu ka hirgelinayaa Soomaaliya, isagoo hadda diidan inuu doorasho qabto, islamarkaana xukun si nadiif ah ku wareejiyo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.