Labo Qodob oo hortaagan Shirka Dhuusamareeb (Akhriso)

Madaxda dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee ku kulansan Dhuusamareeb ayaa loogu baaqay inay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud.

Warar Keydmedia Online
Labo Qodob oo hortaagan Shirka Dhuusamareeb (Akhriso)

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ururada Bulshada rayidka ayaa soo saarey qoraal cusub, oo ay uga hadleen xaaladda cakin ee ka taagan Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, ee ka soconaya magaaladda Dhuusamareeb.

War-Saxaafadeedka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Keydmedia Online, ayaa lagu sheegay in is-aamin darro iyo tanaasul la’aan ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ku hareeraysan wada-hadallada, oo loogu gogol-xaarayo Shirweynaha la filayo inuu u furmo dhinacyada, hadii ay is-faham ka gaareen qodobada la isku mari la'yahay.

Kadib markii ay la kulmeen saamileyda siyaasadda, xubnaha ka socda Bulshada rayidka ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa ugu baaqay dhinacyada inaysan ka tagin magaaladda, iyagoo aan go'aan dan u ah masiirka dalka gaarin, maadaama xaalad kala-guur ah lagu jira hadda.

Ugu dambayn, waxay Ururada Bulshadu ugu baaqeen saaxibada iyo taagerayaasha Beesha Caalamka ee Soomaaliya inay ka yeeshan aragti mideysan oo u horseedi karta taageeradooda iney noqoto mid wax ku ool ah, horseedi kartana ku taageerida Soomaaliya helida degenaashaha iyo dhameystirka dhismaha dowladnimada Somaaliyeed,

Dalka wuxuu marayaa meel xasaasi, oo dowladda hadda jirta waqtigeedii dhamaanayo, iyadoo aan muuqan doorasho inay dhacayso waqtigii loogu tala-galay, oo dhamaadka sanadka ku beegan, waxaana laga digayaa qalalaase siyaasadeed.

Ururkada Bulshadda rayid ayaa beeniyay qoraal Villa Soomaaliya soo saartey maalin kahor, oo lagu sheegay inay taageeraan doorashadda uu doonayo Farmaajo, iyagoo xusay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha kaliya diirada lagu saarey xaaladda dalka iyo sidii Shirka Dhuusamareeb u noqon lahaa mid mira-dhal ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.